Jacaylka dhabta gabadha kuu hayso sidan ku garo

 Jacaylka dhabta marka ay gabadha kuu qaaddo waxaad ku garan kartaa astaamo badan oo sheegaya gabadhaas inay aad kuu jecshay.

Jacaylka dhabta gabadha kuu hayso sidan ku garo


Naagta marka uu jacayl ku dhaco ninka ay jeclaatay ayay rabtaa mar kaste inay la hadasho  waxay isku dayaysaa inay meel u raacdo ama ay taleefan usoo dirto mar walba.
Hadalka wuxuu ka mid yahay waxyaalaha lagu garto gabadha ninka inay jeclaatay.
Waxaa kaloo lagu garan karaa gabadha marka ay wiil jeclaato mar kaste isaga ayay ka sheekaynaysaa, marka ay la joogto gabdhaha saaxiibada ay yihiin sidoo kale marka ay la joogto dadka ay la sheekaysanayo, magaciisa afka kama qaadayso taas waxay astaan u tahay inay jacayl weyn u qaadday wiilka ay jeclaatay.

Waxaa kaloo lagu garan karaa gabadha jeceylka ku dhacay mar kaste waxay jeceshay inay kali noqoto oo ay fikirto ninka ay jeclaatay ayayna ka fikiraysaa inta badan waxay jeceshay habeenkii marka ay seexanayso inay taleefan u dirto si ay ula hadasho oo ay ugu sheegato wixii ay dareemayso.
Waxaa kaloo lagu garan kartaa naagta ninka jeclaatay riyo ayay ku arkaysaa riyadaas waxay noqon kartaa mid romantik ah ama mid raaxo la socoto.
Hablaha soomaalida qaar marka jeceel ku dhaco waxay isku dayaan wiilka inay usoo bandhigaan guur masaafo taas waxaa u badan dumarka yaryar. 

Hadalo macaan ayay isku dayaysaa ninka inay ku tiraahdo markay jeclaato

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post