Dhuusada badan maxaa keeno maxaase daawo u ah

 Dhuusada badan waxay leedahay sababo kala duwan qofka dhuusa badan wuxuu isku arki karaa arrimahaan oo ah caloosha oo weynaata iyo caloosha oo laga qabqabanayo iyo daacsi badan iyo xanuunka xabadka iyo inuu dareemo dhererg badan.
Waxaa keena qofka markuu cunto cunayo inuu laqo hawada ama aariyada, hawada caloosha gasho waxay kasoo baxaysaa dabada marka dhuuso ayaa qofka ka imaanayso.

Dhuusada badan maxaa keeno maxaase daawo u ah


Caloosha inay hawo kaa gasho waxaa kuu keeni kara inaad calaanjiso xanjo ama aad dhuuqdo macmacaan adag ama inaad si degdeg wax ku cunto ama aad ku cabto ama inaad cabto bibsi iyo koolo iwm. ama inaad sigaar cabto
Waxaa jira cuntooyin badan oo dhuuso keeni kara waxaa ka mid ah:

Digirta: qofka markuu digirta iska badiyo dhuuso badan ayaa ka timaaddo waxaa ka mid ah tufaaxa iyo caanaha iyo wixii caanaha laga sameeyo sida farmaajada oo kale iyo dhamaan cabbitaanada xumbada wato sida bibsida oo kale.
Waxaa kaloo keeni kara qudaarta qaarkeeda sida basasha oo kale
Sababo kale way jiraan oo dhuuso keeni kara.

Maxaa lagu daaweyn karaa dhuusada badan

Waxaa la sheegaa geedaha qaar inay u roon yihiin dhuusada badan sida geedka reexaanta oo kale ama kabsar caleenta iyo geedka naacnaaca
Sidoo kale qofka waxaa laga rabaa inuu iska ilaaliyo caadooyinka cuntada xunxun waxaa ka mid ah:
Inuu ka fogaado cuntada si dhaqsi inuu ku calaanjiyo
inuu fariisto markuu wax cuno
inuu ka fogaado xanjada
inuu ka fogaado cabitaanka aariyada wata sida koolada iyo bibsida
inuu sheekadada ka dheeraado markuu wax cunayo
Marka ninka iyo naagtaba way ka sheegtaan dhuusada badan dumarka iyo raga labadaba waa ku dhacaa cudurka dhuusada badan.

Waxaa kaloo dhuusada badan qabsata dumarka dabada laga maro, galmada dabada dhuuso badan ayay leedahay maxayelay ninka marka uu galinayo geedkiisa meesha dhuuso ayuu ku reebaa ileen aariyo ayuu galiyaa, dumarka gadaal laga fuulo dhuuso badan ayaa ka timaado waliba marka biyaha shahwada futada lagaga shubo.

Taasna dhib ayay leedahay iyo rafaad maanta oo dhan dhuuso aan dhamaanin.

Waxaa kaloo ay keentaa dhuusada marka ay qofka ku ceshanto calool xanuun, halkaan ka akhriso sababaha keeno calool xanuunka.

Marka qofka hadduu isku arko dhuus badan waxaa fiican inuu eego cuntadiisa intuusan dhakhtar u tagin kahor.
 

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post