Qaybta cad ee ciddida waxaa lagu magacaabaa ingiriiska Lunula Unguis afka carabigana هليل الظفر waxay ka soo baxdaa suulka inta badan , waxay tilmaamaysaa marka ay tahay mid cad oo nadiif ah caafimaadka qofka inuu aad u sarreeyo firfircoonidiisa inay xoog leedahay dadka aqoonta leh waxay sheegeen haddii astaantan ay ka soo muuqato 8 ama 10 farood waxay tusinaysaa arintaas difaaca jirka inuu si xoog leh u shaqaynayso>
Sidoo kale haddii ay u soo muuqato qaab khafiif ah oo aan aad loo arkin waxay tilmaamysaa qofkaas caafimaadkiisa inuusan fiicnayn, waxaa inta badan la sosota walwal iyo daal iyo tabardari.
Waxaa la sheegaa ciddiyaha inyo caafimaadka jirka xiriir weyn inuu ka dhexeeyo sidaa awgeed dhakhaatiirka marka ay baaritaan ku samaynayaan qofka waxay ka bilaabaan ciddiyaha.