Sixirka wuxuu u kala baxaa dhowr shay laakin guud ahaan wuxuu ku xiran yahay gaalnimada mid waxaa jira xidigaha la fiirsho markaas wax laga dhex fahamo, sidoo kale waxaa jira mid geedo ama sunloo adeegsado oo naagaha qaar ay u adeegsadaan ragooda qaar dadka ayaa lagu dilaa qaarna caqliga ayaa lagu beelaa, waxaa kaloo jiro mid laysku rakibo waxyaalo badan oo isku qasan astaamo ah oo magacyada shaydaanka kux xiran,
ma bannaan tahay in la barto sixirka?
guud ahaan sixirka ma bannaana in la barto nooc walba uu yahay, waayo wuxuu wataa shirki iyo dulmi, laakin in lagu gaaloobo waxaa loo eegaa sixirka qaabka uu yahay, haddii uu wato fal gaalnimo keenaya qofka waa lagu gaalaysiinayaa haddii uuna keenaynin flka sixirka sida sunka oo kale ama geedaha qaar dadka dhib u keenaya marka dembi keliya weeye qofka diinta ugama baxayo.
Sixirka yaase u badan adeegsado
runtii sixirka aad waxaa u adeegsada yahuuda hindida iyo afrikaanta, marka la eego xagga nooca dadka naagaha ayaa u badan, dumarka ayaa aad ugu waalan, marka aad tagto meel sixir lagu samaynayo waxad arkaysaa naag keliya waad yaabaysaa, xitaa haddii aad aragto nin waxaa la socda naag oo keentay meesha.
Qaababka sixirka loo sameeyo
saan sheegnay sixirka wuxuu ku xiran yahay cibaadada shaydaan, ninka saaxirka ah wuxuu caabudaa shaydaan wuxuu ku dhaqaaqa falal uu shaydaanka ka helo sida inuu cabo kaadida ama dhiiga ama inuu cuno saxarada ama inuu sameeyo galmo ama dil oo uu ugu dhowaanayo shaydaanka, marka uu kaa arko shaydaanka falalkaas wuxuu isku dayayaa inuu garabkaaka istaago.
jacaylka dumarka iyo sixirka
inta badan dumarka sixirka waxay raadiyaan inay soo jiitaan nin ama qof ay iyagu rabaan waxay ku bixiyaan lacag badan si ay u helaan ninka la rabo in la soo jiido, asraar badan ayaa jirta oo sixirka la xiriirta waxaa ugu badan midda jacaylka waxaa kaloo ay adeegsadaan dadka sixirka sameeya xayawaanka, quraanka wuxuu tilmaamay dadka sixr\irka sameeya inaysan liibaanaynin.
hadalka marka la soo duuduubo sixirka waa dambi weyn marka ay ugu yar tahay ama waa gaalnimo.
hadalka marka la soo duuduubo sixirka waa dambi weyn marka ay ugu yar tahay ama waa gaalnimo.