Cuntada raga waali dareen u keento




Mallayga ama kaluunka wuxuu ka mid yahay cuntada u roon dadka kacsiga yar, sidoo kale guud ahaan jirka, raga kaluunka cuna aad bay u yeelnayaan awood galmo, maxaayeelay kalunka waxaa ku jiro, waxyaalo badan nafaqo ah, oo xagga xubnaha taranka awood ku reeba, waxaad isku daydaa inaad kaluunka badsato haddiii aad rabto inaad naag qanciso, qubaha wuxuu soo galaya bahda malayga, aduunka waxaa la sheegay dadka dego meelaha badda u dhow ama heebaha inay ugu wasma badan yihiin marka loo eego dadka ka fog, taas oo loo aaneeyo inuu kaluunka ka dambeeyo, waayo aad bay u cunaan cuntada badda. 
qaab kasta loo kariyo waa caadi, haddii la dalaco ama  saliid lagu dubo ama dab toos ah lagu shiilo, waxaa ugu fiican in lagu dalaco toon iyo basal  oo wax yar basbaas guduud lagu daro iyo filfil madow, ileen waxyaalahan iyagana dadka ayay qooqa u kordhiyaan, dumar iyo rag waa cuni karaan waxbuu u tarayaa.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post