Wiil 14 jir oo lagu qabtay dalka Maraykanka

wiilka yar
Axemd Maxamed waa wiil muslin ah oo ku nool gobalka Taxes ee dalka Maraykanka, Ahmed wuxuu sameeyay saacad wuxuu u hadiyeeyay iskuulka uu dhigto, macallinka iskuulka ayaa u wacay boolis wiilkii meesha ayaa lagu xiray, isagoo lagu tuhumay inuu bambo u soo sameeyay iskuulka dadka la dhigto, wiilka lagu magacaabo Ahmed Mohamed wuxuu jiraa 14 sano asalkiisana waa Sudan, arrintaas oo caalamka oo dhan shalay talaadada ku faaftay, taasna waxay tilmaamaysaa dadka muslinka in la takooarayo meel kastoo ay ku nool yihiin. 
maanta madaxweynaha dalka maraykanka Barack Obama ayaa Twitter ku qoray isagoo leh :
"waa saacad fiican Ahmed ma wuxuu keeni rabaa White house? waxaa nagu waajib ah inaan dhiirragalino ciyaal adiga oo kale ah si aad wax u qabataan, taasna America waxay ka dhigaysaa dal weyn"
Barack Obama Twitter iyo ahmed
Previous Post Next Post