![]() |
Tagsiile ayuu iska dhigay ninkan |
Wuxuu iska dhigay nin tagsiile ah, wuxuu u soo baxay isagoo raadinaya gabdho khamro cabsan si uu ugu qaato gurigiisa wuxuu soo aaday magaalada Hamilton, wuxuu ahaa Maxamed Cali Ciise nin 54 jir ah, wuxuuna ahaa makaanika, wuxuu qaaday wadada labo gabar oo da' yar markaas ayuu kufsaday, maxkamada ku taalo magaaladaas ayaa waxay ku xukuntay seddex sano iyo labo bilood xarig.
Maxamed Ciise wuxuu ka qaatay gabadha ugu horraysa kalaab hortiisa oo lagu magacaabo Firecats saacadda markay ahayd 01:20 habeennimo, wuxuu sheegay gaarigiisa inuu istaagsanaa meel ka baxsan tagsiyada, gabadha ayaa ka soo baxday kalaabka wayna cabsanayd, markaas isaga ayaa kaxaystay wuuna ku xadgudbay iyadoo diidan, Ciise wuxuu sheegay isagoo soo maraya looyarkiisa Jarom Keung in gabadha ay rabtay galmada ee isaga inuusan qasbin, laakin markaas ma rabin ee waxay rabtay habeenkii waqti dambe in lala sameeyo galmada.

naagta kale wuxuu ka watay wadada Victoria 03:00 kaddib waxaa uu soo qaaday kalaabka Firecats ee wadada London, gabadhanna waxay rabtay gaari taxi laakin isagaa u yeeray, marka ay la soo fuushay wuxuu ku bilaabay inuu cajiraha ka taabto iyo naaska, gabadhan waxay sawirtay nambarka gaarigiisa si ay ugu sheegto booliska, si ay u dabada galaan, ninkaan asalkiisa waa reer jabuuti, jabuutina waa dal aad u yar wuxuu ku noolaa New Zealand laga soo bilaabo 2015, marka lagu xukumay seddexda sano xarig dad badan ayaa ku farxay oo u dhashay dalkaa New Zealand
warkan waxaa laga soo tarjamay webkan
http://www.stuff.co.nz/waikato-times/news/71410545/fake-hamilton-taxi-driver-jailed-for-groping-two-girls
http://www.stuff.co.nz/waikato-times/news/71410545/fake-hamilton-taxi-driver-jailed-for-groping-two-girls