Lama huraan baa la yiraahdaa jacaylka dadkaaga iyo dalkaaga soomaali marka aan arko waxaan soo xusuustaa dalkayga quruxda iyo qaayaha lahaa, shacabkeena aad buu u wanaagsan yahay, laakin hal cillad ayuu leeyahay taas oo ah inuu xaasid isku yahay qof kasta naftiisa ayuu la rabaa wixii fiican, qof kasta wuxuu rabaa inuu madaxweyn nqodo, burburka dalka oo dhan waxaa sabab u ah jacaylka aduunka, cali mahdi iyo caydiid marka laga saaray siyaad barre dalka iyaga ayaa isku soo jeestay, labada qabiil hawiye ugu weyn ayaa muqdisho isku laayay, dagaalkooda wuxuu socday afar bilood oo dhan, dagaalkaas waa midka xamar dhulka la galay, waxaas oo dhan maxaa keenay waa isnacaybka laga dhex abuuray soomaali dhexdeeda, dowladaha deriska aannu nahay waxay ka shaqaynayaan sidii soomaalida loo kala yaacin lahaa.
waayo itoobiya waxay naga haysataa dhul aad u ballaaran sidoo kale kenya iyadana waxay naga haysataa dhul la mid ah, gaalada ayaana siiyay xornimada ka hore, marka ma rabaan inay soomaali awood yeelato, waxaa ka sii xun dadka iyaga u shaqayanaya oo madaxda isku tilmaamaya.