Sheeko naag labo nin mehersatay iyagoon is ogeyn

  


Sheeko naag reer xamar iyo jareer iska dhal ah oo la qabo nin kale si qarsoodi ku guursatay 

Waxaa jirtay naag ku noolayd degmada waaberi, waxay ahayd jareer iyo reer xamar iska dhal ah.

Laakin aad ayay u qurux badnayd waxay ahayd naag cad oo timo jileec leh. Dhexda ayay urayad gadaalna way u weynayd. Markaad aragto waxaad u malaynaysaa naag hindi.

Naagtaas waxaa qabay nin qaraabo ay ahaayeen waxayna degganayd xaafadda waaberi meel u dhow isgoyska dabka.

Naagta waxay mararka qaar aadi jirtay Madiino oo daganayd walaasheeda ka weyn.

Waxay dhihi jirtay walaasheyda ayaan caawo la hooyanaa.

Ninkeeda wuu iska aamini jiray.

Waxay si qarsoodi ku mehersatay nin baxaar ah oo ka ganacsado qubada badda.

Waxaa la sheegay inay ku raacday ninkaas baxaarka awoodda waayo wuxuu aad u cuni jiray hilibka qubada.

Isbuucii hal jeer ayay bixi jirtay. Waxayna u badnayd habeenka jimcaha.

Ninkaas ma ogeyn in la qabo naagtaas.

Laakin waxay  ugu sheekaysay inaysan awoodin inay mar kaste la joogto. Waayo aabbaheeda ayay ka baqaysaa.

Muddo ayay sidaas ku socotay.

Ninkeeda rasmiga ah wuxuu bilaabay inuu naagta ka shakiyo.

Taas waxaa keenay habeen iyadoo maqan oo uu ku og yahay guriga walaasheeda ayuu taleefan u diray asoo salaamayo.

Markaas ayuu ku yiri iigu dhiib Shamso.

Waxay tiri shamso ilama joogto. Wuxuu yiri habeen kaste jimca ah ayay kusoo aadi jirtay ee maxaad sheegaysaa?

Asoo yaabban ayuu su-aashaas ku wajahay walaasheeda.

Waxay tiri ma dhici karto.

Wuxuu wacay naagtiisa taleefankeeda.

Nin ayaa ka qabtay. Wuxuu ku yiri taleefankan kii shamso sow ma ahan?

Ninkii wuxuu yiri: haa? Adiga yaa tahay ?

Wuxuu yiri ninkeeda ayaan ahay. adigana yaa tahay wuxuu yiri anigana ninkeeda ayaan ahay?

Meeshii yaab ayaa ka dhacay.

Shamso markaas musqusha ayay ku jirtay. Way soo qubeysanaysay.

Markay soo baxday waxay aragtay ninkan oo taleefankeeda ku hadlayo?

Waxay tiri yaad la hadlaysaa ?

Wuxuu yiri waa nin leh shamso waa xaaskayga?

Shamso aad ayay u naxday !!

Taleefanka intuu meegga u furay ayuu farta ka saaray.

Ninkeeda rasmiga wuxuu yiri shamso. waa maxay ninka iga qabtay taleefanka ii sheeg meesha aad joogto?

Shamso hadal waa kasoo bixi waayay.

Ninkeeda wuxuu ku celcelinayaa naayaa ila hadal maxaad la aammusan tahay?

Ninkan fiiro ayaa kasoo hartay. wuxuu la yaabban yahay shamso oo ninkan aan u jawaabi karin.

Wuxuu yiri runta ii  sheeg. ma ninkaaga baa ninkan.

Illeen sababta aad u walwali jirtay wax weyn ayaad qarinaysay !!

Ninkii intuu shamso taleefanka ka dafay ayuu si toos ula hadlay ninkeeda rasmiga. wuxuu u sheegay inuu shamso ku qabo qudbasiro.

Ninkeeda rasmiga wuu yaabay. Wuxuu ku yiri waad ku mahadsan tahay taleefanka ayuu damiyay.

Isla markii wuxuuu wacay aabbaheeda. wuxuu ku yiri waxaa jirto arrin weyn oo degdeg ah ee makuu imaan karaa hadda ?,

Aabbaha wuxuu yiri: waaga markuu noo baryo ii imow.

Subaxdii shamso ninkeeda wuxuu ku kalahay shamso aabbaheeda.

Wuxuu u sheegay wixii dhacay,

Aabbaha afka ayuu qabsaday. Wuxuu wacay gabadhiisa wuxuu ku yiri degdeg guriga ku imow.

Laba saac kaddib ayay timid guriga aabbaheeda. Waxaa joogo ninkeeda rasmiga ah.

Shamso dhulka ayay fiirinaysaa. wejiga way siin weysay aabbaheeda iyo ninkeeda.

Aabbaha wuxuu ku yiri waxaan la sheegayo maxaa ka jiro.

Shamso way qiratay inay ninkaas been u sheegtay oo qudbo siro uu ku mehersaday.

Aabbaheeda aad ayuu u xanaaqay wuxuu ku yiri cidda ayaad ceeb weyn usoo jiidday, maxaa dambigaas aad gashay kuu geeyay ?

Walaalkeeda ka weyn markuu ogaaday wuxuu lasoo baxay minddi waa laga celcelinayay.

Ninkii qabay meesha ayuu ku dalaaqay. wuxuu yiri naag anoo qabo sidaas igu samaysay lagama yaabo inaan sii qabo.

Shamso sidaas ayay ku fadeexowday.  Ugu yaraan hal sano ku dhawaad ayay labo nin isla qabtay.

Run ahaan kan labaad qabitaan lama dhihi karo. Waayo naag la qabo meherkeeda ma ansaxayo.

Laakin dambi ayay kula noolayad.

Dadka xaafadda deganaa ayaa qaar sheegay gabadhaas inay dareen badnayd. Waliba waxay ka heli jiirtay raaxada qaldan.

Raaxada qaldan waad wada garan kartaan.

Qofkii aan fahmin raaxada qaldan waxa laga wado qeybta kommentiga ha kusoo qoro si aan ugu jawaabo.

Haddii kale guuggal ka raadi.

Waxay u badan tahay ninka labaad inay sidaas ku raacday.

Kan hore inuu ka diiday ayay u badan tahay !!

Waayo ragga qaar wax kaste way ku sameeyaan dumarka,.

Ragga way ku kala duwan yihiin raaxada, qaar waxaa  jiro raaxo kaste aan rabin. Waxyaalaha qaa diido. dumarka Qaar waxaa jiro iyagana rabo waxyaalo caadi aan ahayn.

Marka taas ayay u raadisay ninkaas. Laakin waxaa yaab ah sidey u guursatay. maxaa ku kallifay been inay u sheegto.

Sidaas ayay ku khasaartay ciddeedana ceeb weyn ayay u keentay.

Kii labaadna markuu ogaaday inay falkaas samaysay waa ka cararay xiriirkeeda ayuu jiray.

Dadka xaafadda degganaa waxay bilaabeen inay ka hadlaan gabadhaas waxay ahaan jirtay.

Waxay sheegeen inay ku waalnayd ragga.

Waliba filimada gaalada ayay daawan jirtay oo waxay rabi jirtay waxyaalo badan inay tijaabiso oo filimadaas ay ka aragtay.

Gabar ay deris ahaayeen waxay sheegtay inay dhahday aniga maba dhergo.  mar kaste waan sameyn karaa howsha qaranka.

Taas ayaa dadka dhan ogaadeen.

Waxyaalahaas oo dhan waxay ka dhashaan naagta marka ay hawadeeda raacdo ama naagaha kale ay khadka ka saaraan.

sheekooyinka noocaas ah naagta dhib iyo balo ayay usoo jiidaan.

marka ragga naagaha qudba sirada ku guursanayow iska ilaaliya naagaha noocaan oo kale ah.

waayo waxaa horay loo yiri. wixii aad qarsato way ku qarsadaan !!

Marka shamso oo kale aad baa loo helaa.

waliba naagaha yurub ku nool ayaa ugu daran.

Maxaad is dhihi kartaa oo gabadhan sidan ka dhigay?

Maxaa ku kallifay sidaas inay samayso.

Ma jaahilad baa oo aan wax ka ogeyn inay naagta guursato nin kale iyadoo la qabo.

Mala dhihi karaa filimada gaalada ayay ka keentay.

Wixii aragtidaada halkan noogu reeb.

Muuqaalkana laayigta boo saar adoo ku mahadsan,.


Post a Comment (0)
Previous Post Next Post