Looska waxtarka iyo faa'idada caafimaad laga helo

 Looska wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu fiican dhanka caafimaadka, waxaa laga helaa looska faa'idooyin aad u fara badan oo caafimaadka u roon.

Marka halkan ayaan kusoo bandhigeynaa iyagoo faahfaahsan faa'idooyinkaas.


Looska waxtarka iyo faa'idada caafimaad laga helo

Looska iyo caafimaadka wadnaha

Looska wuxuu u roon yahay wadnaha wuxuu ka caawiyaa dhanka awoodda iyo adkeysiga,  wuxuu ka ilaaliyaa jirrooyinka wadnaha ku dhaco, sidoo kale dhiigga ayuu ka ilaaliyaa inuu xarkago ama uu adkaado.

Looska iyo miisaanka jirka

Sidoo kale waxaa la sheegay looska inuu u roon yahay baruurta jirka inuu qofka ka ilaaliyo cayl badan, qofka looska cunaya inta badan jirkiisa baruur badan ma qabato caylka ayuu ka reebayaa, sidoo kale saliidda looska marka uu wax ku cunayo.

Waxaa kaloo dhici karta qofka hadduu aad isaga badiyo inuu cayil u keeno, dadka qaar wuu naaxiyaa looska.


Looska iyo dhagxaanta xameetada

Sidoo kale looska wuxuu u roon yahay qofka in cudurka dhagxaanta xameetada  ku dhaco, daraasooyin badan ayaa lagu ogaaday looska inuu u roon yahay dhagaxa gala xameetada, marka qofka ka cabanaya dhagxaantaas waxaa laga rabaa inuu ku dadaalo cunitaanka loska.

Looska iyo caabuqa jirka

Sidoo kale looska wuxuu la dagaallamaa caabuqa jirka, wuxuu ka ilaaliya qofka inuu jirkiisa bukado, sidoo kale wuxuu aad ugu fiican yahay dheefshiidka marka loska waa wax aad ugu fiican dhankaas.

Looska iyo difaaca cudurka kansarka

Looska wuxuu ka hortagaa cudurka kansarka, waxaa la sheegay dadka duqooshinka oo cunaya subaga looska inay ku yar yihiin dadka cudurka kansarka ku dhacayo, wali gaar ahaan kansarka caloosha.

Subaga looska maxaa laga wadaa

Subaga looska waxaa loola jeedaa looska inta la shiido ayaa lagu sijilaateynayaa caag ama bac kadib ayaa sida subaga loo dhuuqaa ama loo cunaa.

Waxaa la helaa warshado badan oo sidaas usoo sameeyo subaga looska, taas qofka sahal bay u tahay, uma baahna inuu ruugo ama calaanjiyo, kaliya wuu dhuuqaa ama wuu leefaa sida subag ama malab oo kale.

Waliba caruurta iyo dadka waayeelka ah ayaa loogu talaggalay si uu ugu sahlanaado cunitaanka looska.

Subaga looska maxaa laga wadaa


 Looska iyo cudurka sokorta

Waxaa la sheegay looska inuu ka hortago cudurka sokorta, dadka sokorta haysana wuu u roon yahay, wuxuu ka yareeyaa sonkorta.

 Waxtarka looska dhanka awooda galmada

Waxaa la og yahay looska inuu u roon yahay dareenka raga iyo kacsiga guska, wuxuu daawo u yahay raga aan guskooda xoog u kicin, wuxuu ku caawiyaa inay kacsadaan taasna waxaa sabab u ah maaddo isaga ku jirto oo fidisa xididada qaada dhiigga taas oo keenta inuu dhiiga u qolqolo xubnaha taran ninka.

Sidoo kale looska wuxuu siyaadiyaa biyaha shahwada ninka wuxuuna u yeelaa tayo xoog badan, qofka looska cunaya dhaqsi buu naag ku uureyn karaa.
Waxaa kaloo sugan looska inuu aad u badiyo biyaha ninka qofka loos si fiican u cunaya biyahiisa way ka badan yihiin ninka aan sidaas ahayn.

Qofkii loos iska badiyo maxaa ku dhacayo ?

Qofka hadduu iska badiyo waxaa laga yaabaa dhib inuu kala kulmo, waxaa laga yaabaa inuu  ku noqdo sun, sidoo kale inuu ka qaado xasaasiyad daran.

Xasaasiyadda uu keenayo waxay noqon kartaa arrimahan midkooda:

 

  • Yaqyaqsi iyo matag.
  • Cuncun jirka oo dhan.
  • Bararka wejiga ama carabka ama faruuryaha
  • Neefta oo qofka ku adkaata ama inuu xanuun ka dareemo xabadka.

 
Marka qofka waxaa laga rabaa inuu si dhexdhexaad u qaato oo uusan iska badnin.

 

Dumarka dareen kacsi ma u keenaa looska ?

Taas shaki kuma jiro, waayo raga cuntada ay ku kacsadaan dumarkuna way saamaysaa, waayo jirkooda dhanka nafaqada isku qaab ayuu u shaqeeyaa.

Naagaha oo cuna cuntooyinka kacsiga keeno way ka qooq badan yihiin haweenka aan nafaqadaas cunin, tusaale ahaan, dumarka cuno kaluunka iyo hilibka iyo looska iyo saliid macsarada way ka dareen badan yihiin dumarka cuna cuntooyinka qalaylka ah oo aan nafaqada badan lahayn. 


Looska wuxuu leeyahay vitamin badan waxaa ku jiro mooddooyin badan waxaa ugu fiican dhanka kacsiga labadan maaddo oo lagu magacaabo  Tryptophan iyo  Serotonin, waxay kordhiyaan baahida kacsiga, ninka iyo naagtaba way u kordhiyaan dareenka kacsiga marka ay loos cunaan.

Cuntooyinka kacsiga keeno halkaan ka akhriso

Raga tabarta yar oo guska ka damo xiliga galmada ay socoto waxaa loola dardaarmayaa inay loos cunaan, subax walba, waliba looska marka la shiido oo malab iyo saliid macsaro lagu daro subax kaste hal qaaddo la qaato iyo habeenkii galmada kahor ninka wuxuu ka helaa natiijo fiican dhanka kacsiga guska, guskiisa wuu adkaanaa wuxuu noqonayaa geed aad u adag oo raaxo macaan badan siin kara xaaskiisa. 

Waxaa kaloo aad loo siiyaa dadka arooska ah ninka habeenka aqalgalka xalwo loos baa la siiyaa oo caano lagu daray.

Caanaha iyo looska marka laysku daro saameys weyn ayay ku yeelanayaan dareenka kacsiga.

Halkaan ka akhriso waxtarka caanaha dhanka kacsiga ninka iyo naagta.

Caanaha waxay leeyihiin waxtar weyn dhanka awoodda kacsiga, laakin looska ayaa ka xoog badan marka si munaasib loo cuno waliba marka cuntooyin kale nafaqo leh lala cuno.

Faahfaahin dheeraad ayaad halkan ka heli kartaa waxtarka uu keeno geedka loska



Post a Comment (0)
Previous Post Next Post