Ereyda heesta alif la kordhay
Ambo qaadka geediga, Sida awrta loo raro, Heesaha u gaarka ah, Waxa lagu
aloosaa, Magac Eebaheen iyo
Addin iyo af wada jira.
Alif la kor dhabay alif la hoos dhabay alif la goday , Aa alif alif la
kor dhabay alif lagu reeb, Ii alif la hoos dhabay ya lagu reeb
Uu alif la goday woow lagu reeb.
Shan tiir islaam waa , Jiritaanka Eebaheey , Igmad Maxamadkeenii ,
Oogidda salaad soon, Sakadoo la bixiyo, Xajkoo loo awoodaa
Alif la kor dhabay alif la hoos dhabay alif la goday
Aa alif alif la kor dhabay alif lagu reeb
Ii alif la hoos dhabay ya lagu reeb
Uu alif la goday woow lagu reeb
Waayaha adduunyada, Waxa lagu abaaraa , Aragtidu ku naaxdaa , Ku abyamay
kas iyo maan , Ilayskii ka baxa iyo
Iftiin iyo aqoone .
Alif la kor dhabay alif la hoos dhabay alif la goday
Aa alif alif la kor dhabay alif lagu reeb
Ii alif la hoos dhabay ya lagu reeb
Uu alif la goday woow lagu reeb