Jeestada haweenka marka ay nin soo ag maraan waxaa lagu tiriyaa waxyaalaha aysan iska celin karin, naagta marka ay soo ag marto rag meel jooga si dhaqsi ayay socodka u baddalaysaa iyadoo la sheegay qaar socodka inuu ka dhumayo, taasna waxay u noqonaysaa nagta sida ay ugu feejigan tahay ragga, gabdhaha caadiga ah socodkooda ma baddalaan laakin kuwa ragga ka helo ayaa isla markiiba socodkooda roga, iyadoo u haysata inay nimanka meesha joogo soo eegayaan, waxaana dhici karta raga meesha joogo inaysan ogaynba naag inay meesha soo marayso iyo in kale, naagaha socodka kala roga waa naagaha dareenka badan oo jecel inay raga intibaah u lahaadaan.