Aduunka waxaad arkaysaa wax aad la yaabto ruux walba si buu u fikiraa, nin u dhashay dalkay Turkey ayaa wuxuu ka fikiray qaab uu sigaarka isaga joojiyo, xaaskiisa ayaa waxay samaysay shabaq quful leh, hadduu uu gashto sigaar ma cabbi karo, fikraddan waa la yaabka aduunka, tolow sidee buu wax u cunaa ama uu u cabbaa, waxaa laga yaabaa marka uu u baahdo xaaskii inay siinayso cuntada, qufulka iyada ayaa gacanta ku haysa, way furaysaa marka uu harraado ama gaajoodo, marka uu cuno cuntada biyahana cabbo way xiraysaa