Suni iyo fircooni ayaa loo qaybiyaa gudniinka gabdhaha soomaaliyeed laakin dad badan ma oga inay jiraan gabdho badan aan la gudin oo soomaali ah, ma ogtahay gabdhaha lagu dhalay dalalka reer galbeedka inaysan gudnayn, soomaalida qaar baa isku daya inay soo kaxeeyaan gabdhahooda si ay u soo gudaan, dalalka yurub waxay samaysteen dad basaas ah oo u soo jaajuusa qofkii soo gudi rab gabdhiisa, habraha fircooniga u gudan raalli kama ah gabdhahooda inay lahaadaan kintir dheer, waayo soomaali waa laysku cayn jiray kintirka, haddana dhaqankii waxaa baddalay cayrtii yurubta, culimada qaar baa waxay qabaan gabadha in dhakhtar loo geeyo qibarad u leh gudniinka gabdhaha, haddii uu u arko in la gudo gabadha in laga gooyo kintirka haddii uu dhaho uma baahna in la iska daayo, waayo kintirka wadamada qabow waa ka duwan yahay wadamada kulul, gabdhaha ku nool dalalka africa iyo carabta kintirkooda wuu dheeraadaa kuwa yurub ku nool siiba meelaha aadka u qabow bahalkooda waa yar yahay, kacsiga gabadha kintir miyuu ku xiran yahay? guud ahaan kintirka wuu kaalmeeya soo dedejinta kacsiga marka gabadha laga taabto raaxo daran ayay galaysaa, laakin kacsiga waa dabeecad naagta Alle ku abuurayo, haddii uu kintirka keliya kacsiga ku xirnaan lahaa naagaha fircooniga u gudan oo dhan kacsiga waa ka tagi lahaa, hadda waxaad arkaysaa gabar si xun u gudan oo faruuraha siilka oo dhan laga jarjaray haddana kacigeeda aan la reebi karin, marka loo tagayo riinkeeda deriska ayaa laga soo maqlayaa