Wiil dhalinyar ayaa wuxuu fadhiyay makhaayad wuxuu ku yiri gabar meel u dhow fadhisay : "ma kula fariisan karaa?" gabadhii ayaa ugu jawaabtay cod dheer : "caawo ma kula seexan karo" dadkii makhaayadda fadhiyay oo dhan wiilka ayay indhaha ku soo fiiqeen, wiilkii wuxuu dareemay wejixumo iyo yaxyax, daqiiqado kaddib gabadhii ayaa wiilka agtiisa u soo socotay waxay ku tiri iyadoo hoos u hadlaysa : "aniga cilmu nafsi ayaan bartay waxaan ogahay hadda waxa aad dareemayso oo yaxyax ah", wiilkii ayaa yiri isagoo kor u hadlayo : "3000 doolar hal habeen way badan tahay" dadkii oo dhan maqaayadda joogay gabadhii ayay si xun u soo fiiriyeen waxay u qaateen inay dhilo tahay, wiilkii ayaa gabadha dhegta markaas ugu sheegay : "anigana abuukati ayaan ahay qadiyadda sida loo rogo waan kuu dheereeyaa"