Niqaabka wuxuu qariyaa wejiga naagta, ma og tahay wejiga sababaha loo qariyo ? quruxda ugu muhimsan waa wajiga, sidoo kale afka iyo faruuraha waxay tilmaamaan naagta cambarkeda qaabka uu yahay, haddii bishimaha ay buuran yihiin gabadha cambarkeeda wuu buuran yahay, haddii ay dhuuban yihiin cambarkeedana wuu dhuuban yahay, haddii faruurta kore ay gabadhu xaad ku leedahay shuunkeeda wuu badan yahay, sidoo kale kutubta qaar ee galmada ka hadasha waxaa ku qoran kacsiga dumarka in laga ogaan karo wejiga haddii naagta ay faruuraheeda adag yihiin way kacsi badan tahay sidoo kale haddii carrabkeeda aad u guduudan yahay, haddii sankeeda uu dheer yahay oo goobba leeyahay iyadana way kacsi badan tahay, marka xiriir weyn ayaa ka dhexeeya astaamaha kacsiga iyo wejiga sidaa awgeed naagaha carabta qaar waxay ku dadaalaan inaan la arkin afkooda, tusaale ahaan naagaha imaaraadka iyo cumaanta afka ayay ku xirtaan wax lagu magacaabo burquc, sidoo kale naagaha shaam iyagana afka ayay duubtaan, waxaa jira rag markay arkaan naagaha niqaaban ka hela oo dareema naagnimadooda, taas waxaa la dhihi karaa waxay u noqonaysaa tarbiyada qofka, naagaha qaaqaawan uma arko inay qiime leeyihiin sidaa dareedeed ma hamiyo.
![]() |
Naag imaaraad oo burquc xiran |
![]() |
Niqaabka caanka ah |
![]() |
Naag suuriyaan afka xiran |