Ma taqaanaa degfurka la bixiyo habeenka aqalgalka

Guurku waa shayga keliya kuu fasaxaya inaad galmo samayso ama aad haweeney ku raaxaysato, meher baad dhiibtaa kaddib xaaskaaga waa laguu soo galbinayaa, marka aqalka laguu soo geliyo xalaal baay kuu tahay wax shardi ah kuma xirna, soomaali qaar dhaqan ayay lee yihiin oo ah in gabadha lacag ay dalbato marka laguu keeno guriga lacagtaas haddaadan siinin jirkeeda inaad taabato waa kaa xaaraan, waxay ku magacaabaan lagacta la bixiyo habeenkaas degfur, marka hore saan sheegnay islaamka wuxuu aaminsan yahay wax la dhaho meher marka lama oggola in lagu soo daro wax kale aan la jideynin xaaskaaga waa xalaashaada marba haddii laguugu mehriyay, midda labaad caadadan oo dadka soomali qaarkooda ay sameeyeen waxay shabahdaa  sida naag sharmuuto oo kale in lagula dhaqmo xaaska xalaasha ah, dhilada ayaa lacag dalbata oo marka la keensado guri maxaad isugu ekeysiinaysaan dhilooyinka, waxaa fiican in laga fogaado dhaqanka foosha xun
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post