Bahalka ninka caadi ahaan timo ma laha, siiba afkiisa hore mana aha inay ka soo baxaan timo, laakin ragga qaar bahalkooda timo ayuu yeelanayaa gaar ahaan dhexda ilaa hoos, taasi waxay u noqonaysaa timaha jirka, dad waxaa jira timo badan jirka ku leh, dadna waa caadi, haddii malabyarowga timo kaaga soo baxaan mar kasta iska xiir, waayo marka aad galmo samayn rabtid naagta ayay xoqxoqayaan, siiba marka ay soo bixi rabaan, laakin timaha qooraha ragga oo dhan way ku leeyiihin, waxaa lagaaga baahan yahay markaad xiirayso inaad taxdarto, maqaarka xiniinyaha aad buu u jikicsan yahay, kan guskaa ka adag waxaa laga yaabaa maqaska aad ku jarayso ama sakiinta aad ku xiirayso inay kaa dafaan maqaarka, dhaawaca meeshana si dhaqsi ah uma raysto, waayo meesha aad bay u kulushahay dhidid badanna way leedahay.