Sidaan la socono ninka galmo lama samayn karo xaaskiisa maalinta ramadaan, haddii uu galmo sameeyo waxaa ku waajibaya kafaaro aad u adag ,
1- inuu addoon mu'min ah xorreeyo hadduu uu kari waayo wuxuu u gudbayaa darajada labaad oo ah
2- inuu lixdan maalmood isdabajoog ah soomo, haddii uu kari waayo midda seddexaad ayuu aadayaa oo ah
3- lixdan maskiin ayuu quudinayaa
marka waxaa fiican inaad iska ilaaliso galmada maalinta ramadaan, haddii naftaada aadan ka adkayn sitiinka xitaa ka fogow,
waqtiga ugu fiican ramadaan galmada waa taraaxwiixda marka aad soo tukato kaddib oo cuntada ay kugu degto markaas ayaa ugu habboon