Hadii aan wada noqon lahayn dad u jecel dalkooda sida ay u jecel yihiin yurub iyo America waa hore ayaannu dhisi lahayn dalkeena, maanta waxaan u baahan nahay inaan gacmaha isqabsano si aan u noqono dad ka adag dhismaha dalkooda, wax qiimo ma laha tuugsi iyo tiirajab, khayrka yaallo carriga somali waa khayr aad badan oo aan la soo koobin karin, maanta haddii khayrkaas gacanta aan ku dhigno qof kasta soomaliyeed wuxuu galayaa nolol raaxo leh, nolosha aan ka raadinayno cayrta waa nolo naaqus ah oo dullinimo ku jirto, waxaa si fiican u og dadka meesha ku nool, oo indhahooda ku arkay dhibaatada taalo, gabar somali ah waxay iska soo tuurtay dabaq dalka itlaaliya si ay isu disho dhibaato datreed, waxay sheegtay inay gaajo iyo dhibaato kala kulantay dalkaas, waxay tiri yurub sidan uma malaynaynin