Bulshada soomaaliyeed waa bulsho lala yaabay xagga xifdinta Quraanka kariimka, waxaa la arkay dhowr qof soomaali oo ka qaybgalay tartanka Quraanka kariimka ee Dubai waxay ka kala socdeen dhowr wadan, taas waxay tilmaamaysaa inay soomaalida Quraanka ku dadaalaan, waxaa jira dugsiyaal aad Quraanka looga barto, soomaalida marka ay tageen dalal badan waxay ka wada fureen dugsiyo oo lagu xafido kitaabka Alle, waxaa la baraa tajwiidka iyo axkaamta akhriska oo saxan, waxaa aad looga bartaa dalka Soomaliya oo dhan iyo dalka Kenya goobaha ay shacabka soomaaliyeed ku nool yihiin, iyo dalka ay soomaalida Itoobiya ka haysato, Ilaahayow soomaali noo hagaaji