Shuunka sida la ogyahay waa timo ka soo baxa xubinta taranka raga iyo dumarka marka ay gaaraan da'da qaangaadhka, dadka qaarkiis waxay ku magacaabaan bisqin, dadka way ku kala duwan yihiin shuunka qaabka uu u soo baxo, inta badan shuunka timahiisa way adag yihiin, sidoo kale meesha uu ka soo baxo way kala dheer tahay dadka marka loo eego, dad gumaarka iyo cajiraha xubinta taranka u dhow ayuu soo gaaraa, dadna wuxuu ku kooban yahay xubinta taranka agagaarkeeda, raga iyo dumarka qaar wuxuu soo gaaraa daloolka dabada, waxaa la mid ah timaha kilkilaha taas waa lagu kala duwan yahay, si kastaba ha ahaatee su'aashu waxay tahay maxaa injir u keeni kara shuunka?
marka hore nadaafadda waa muhim jirka marka uu waayo nadaafadda laga rabay inuu helo waxaa ka soo baxaya waxyaalo dool ah oo dhib u keeni kara, waxaa ka mid ah injirta, qofka haddii uuna baddalin kastuumada muddo uuna dhaqin waxaan shaki ku jirin in meesha ay noqonayso meel ur badan oo wasakh ah, waliba waxaa muhimsan naagaha, waayo gabdha marka ay dayso shuunkeeda uu bato cambarkana soo daayo dhacaan sidoo kale meeshana ay dhidido waxaa isku darsamaya dhididka dhacaanka siilka iyo wasakha waxay yeelanayaan u badan oo aan loo adkaysan karin, waxaad arkaysaa gabdha mar kasta kula jirta gacanteeda siilka korkiisa maanta oo dhan xqid ku wada, hadaba taas si toos ayay u keeni kartaa injir, marka waxaa la rabaa nadaafadda in lagu dadaalo, sidaa awgeed diinta islaamka waxay amartay in shuunka layska xiiro.