Bisha ramadaan waxay ka mid tahay bilaha barakaysan oo loogu talagalay inuu ruuxa aad u cibaadaysto, ma aha bil shahwo, qofka markuu soonka xirto looma oggola inuu jimaac sameeyo ama galmo, way u banaan tahay inuu xaaskiisa dhunkado ama jirkeeda taabto oo sidaas ku raaxaysto laakin galmo uma banaana inuu sameeyo, haddii uu galmo sameeyo isagoo soomman waxaa laga rabaa kaffaaro gud oo uu ninkaas samaynayo inuu qoor xureeyo hadduu awoodi waayo inuu lixdan maalmood soomo haddii awoodi waayo inuu quudiyo oo cunta siiyo lixdan qof, qofka dhalinyaraha ah waa inuu ka fogaadaa raaxada caadiga waayo shahwada ayaa ka tan badin karta markaas galmo ayuu gali karaa.
habeenka waa la baneeyay inuu ruuxa naagtiisa u galmoodo