Nin ayaa aad u shaki badnaa wuxuu ka shakin jiray xaaskiisa mar kasta wuxuu u soo diraa taleefan wuxuu leeyahay halkeed joogtaa iyaduna waxay leedahay jikada ayaan ku jiraa mar kasta wuxuu ka dalbadaa inay shaqaysiiso makiinadda wax lagu shiido markaas ayay u shidaysaa si uu u maqlo, wuxuu dhahaa waxaan sidaas kuu leeyahay waa inaan habsadaa, maalin maalmaha ka mid ah wuxuu yimid gurigiisa waqti uuna imaan jirin waa soo dhaqsaday, markuu soo galay xaaskiisa ma joogto waxaa joogtay gabadhiisa wuxuu ku yiri aaway hooyadaada waxay tiri waxay baxday siday waligeeda u bixi jirtay waxay horay u qaadatay maakiinada wax lagu shiido, sheekadan waxaa laga qaadanayaa naag inaadan ilaalin karin ee oyada ayaa is ilaalin karto, naagta Ilaahay ka baqayso ayaa ah naag dhowrsan.