Labada waxyaalood ay naagaha ku dhintaan akhriso



Hanti iyo jacayl ay naagta ka hesho ninka waxay galaysaa nolo aad sarraysa, nin hanti leh marka la helo waxaa la waynayaa nin ku jecel, immisa gabar guursatay rag hanti badan haysa hadana jacayl ka waayay ninkii oo naagta aan sida la rabay ula baashaalaynin waayo wuxuu ku mashquulsan yahay lacagta, sidoo kale nin waxaad arkaysaa lacag haysanin laakin jacayl hayo, gabadhii waxay hanqalka u taagaysaa raga lacagta leh mar kasta ninkeeda waxay kula doodaysaa hebel hanti ayuu leeyahay adiga shaqo ma rabtid waxaad tahay caajislow ma shaqayte ah aniga waxaan ahay qof insaan ah u baahan nolol fiican jacaylka afka maha waa falka hadalkaas ayay daldalaysaa maanta oo dhan, haddaba naagaha waxay la dhahaa meel uma roona adiga maxaad dhihi kartaa qof marka ay hesho nin jecel waxay rabtaa inuu maal qabo haddii ay hesho qof hodan ah waxay rabtaa inuu ahaado nin jacaylka jilayo oo romantic ah, marka waxaad ogaanaysaa inay tahay arrimaha ugu muhimsan oo naagaha ay qiimeeyaan labo shay keliya waa maxay kuwaas hanti iyo jacayl
Previous Post Next Post