Astaamaha lagu fahmo gabadha guurka u qalanto



Raaliyo marka aad hesho nolol waxaad ku noolaanaysaa raaxo badan, marka waxaa su'aal mudan raaliyo maxaa laga wadaa?  runtii raaliyo waxaa laga wadaa gabadha amarka ninkeeda qaadanayso oo gurigeeda sida laga rabay u dhaqanayso, dad badan waxay u fahmaan raaliyo naag ninka ku tumanayo oo iyadana sidaas ula qabsatay oo amarkiisa qaadanayso iyadoo madluun ah, ma banaana qofka inuu ogolaado dulmi, ninka xuduud ayuu leeyahay oo uuna soo gudbi karin, rag badan waxay u qaateen inay xalaal u tahay inay ku tuntaan xaaskooda oo ay wax kasta ku sameeyaan.  hadabada sideen ku heli karaa gabar raaliyad ah?
waxaa jiro astaamo lagu garan karo gabadha suuban oo raaliyad ninka u noqon karto astaamahaas waxaa ka mid ah sida xigta:
gabar raaliyo ah

  1. adabta iyo dhowrsanaanta
  2. hadal gaabninda iyo aamusnaanta
  3. qanaacada iyo caqliga
  4. deganaanta 
  5. kibir laaanta
astamahan haddii aad ku aragto gabar waxaad ogaataa inay si fiican u dhaqmi karto marka aad guursato, naag waxa ugu fiican lagu guursado waa dabeecadda iyo akhlaaqda, qurux iyo magac iyo hanti way isbaddalaan laakin dabeecad isma badasho
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post