Jacaylka waa wax yaab badan qofka markuu jacayl ku dhaco wuxuu u dhaqmaa sida qof waalan oo kale.
Waxaa ugu daran gabdhaha yaryar waxay rumeeyaan nin kaste ku yiraahdo waan ku jeclahay.
Naagta marka ay soo qaangaarayso oo ay nin shukaansato waxay niyadda durba galinaysaa ninkaas inuu jecel yahay hawo ayay maskaxda ka dhisanaysaa.
Naagaha inkastoo ay ku kala duwan yihiin qaabka jacaylka loo jilo hadana jacaylka beenta ayay isku maaweeliyaan.
Gabdhaha yaryar marka ay nin jeclaadaan kalsooni dheeraad ayay siiyaan ninkaas waxaa laga yaabaa inay xataa jirkooda u dhiibaan iyagoo aaminsan in jacaylka iyo gacalka wax aysan kala reebanin.
Taas waa qalad wax badan ayaa ka dhalan karo.