Waxaa soo batay maalmahaan naagaha guurdoonka ah oo iternetka ku jira siiba facebook ama webyada guurka loogu talagalay, haddaba ma aaminsan tahay inay dhab ka tahay badankooda? inkastoo la hayo dad badan sidaas ku guursaday, laakin haddana cabsi ayay leedahay, waayo laguma kalsoonaan karo dadka soo gala badankooda internetka, been buu kuu sheegi karaa, sawir qofle ayuu soo saaran karaa Paltalk ama Facebook, sideed ku ogaan kartaa inuu sax yahay? astaamah lagu ogaan karo inuu been sheegayo waa mahay? lama fahmi karo, waxaa ugu roon in aad horay u kasi jirtay qofka aad ka guursan rabto internetka ama qof si dhab kugu yimid oo aad aragtay wejigiisa