Waa maxay mudada biyabaxa degdega sideena loo daaweeyaa

 Caqabada ugu weyn oo raga soo waajaha waa biyabaxa degdega xiliga ay wasmada ku jiraan,

Ninka markuu yahay qof dhaqsi ku biyabaxo ma awoodo inuu naagta qanciyo, waayo biyaha markay ka baxaan guska ayaa ka damayo, markuu guska ka damo siilka wuu kasoo baxayaa, waayo murqaha siilka awood ayay u leeyihiin gus aan taagnayn inay iska soo tuuraan.

Marka sidaa awgeed caafimaad ahaan waa inaan ogaanaa daawada ugu fiican oo lagu daaweeyo biyabaxa degdega.


 

Waa maxay biyabaxa degdega?

Marka hore waa inaan ogaanaa waxa laga wado biyabaxa degdega, waayo marka la qeexo waxa uu yahay arrinkaas waan ogaan karaa dhibka ka imaanaya sidii loo xallin lahaa.

Marka biyabaxa degdega waxaa laga wadaa ninka inuu biyaha reebi waayo muddo daqiiqad ilaa iyo labo daqiiqo, raga qaar waxay biyaha kaga baxaan 30 sekin in la eg.

Marka qofka taas ay qabsato dhib weyn ayuu ku jiraa xagga raaxada sariirta.

Waxaa kaloo lagama maarmaan ah qofka inuu ogaado naagaha laftooda way ku kala duwan yihiin biyabaxa iyo qancitaanka ay ku qancaan wasmada.

Marka ninka uu ku biyabaxo daqiiqo gudaheeda naagtiina wali ay oomman tahay, waa dhibaato weyn oo dhaawici karta dareenka haweeneyda.

 

Mudada dabiiciga ee galmada waa maxay?

 Waqtiga caadiga oo ninka laga rabo inuu shaqo galmo ku jiro waa 3 daqiiqo ilaa 15, ragana sidaas ayay u badan yihiin waana raga caadiga ah, way dhici kartaa ninka inuu dhaqsi ku biyabaxo marka uu ku cusub yahay arooska ama habeenka aqalgalka ama bisha malabka sida lagu magacaabo.

 

Ninka iyo naagta inay hal mar isla biyabaxaan miyaa?

 Waxaa fiican ninka iyo xaaska inay hal mar wada biyabaxaan, waayo marka ay sidaas dhacdo waxay dareemayaan raaxo aad u macaan oo xadka ka baxsan.

Marka ninka sidaas wuxuu ku sameyn karaa inuu istiinka badiyo marka uu dareemo naagta inay si xoog u kacsatay oo ay guska u baahan tahay oo neeftuur ay bilowday inuu guska galiyo, haddii uu ka dareemo siilka inuu dhaqdhaqaaqayo inuu si xoog ugu garaaco marka ay biyaha kasoo dhowaadaan inuu shahwada ku shubo.

Waxaa la sheegaa ninka iyo naagta markay isla biyabaxaan hal mar jacaylkooda inuu kordho, halkaan ka akhriso astaamaha jacaylka dhabta ah

Naagaha ma qabaan biyobax degdeg?

 Naagaha biyabaxa degdega waxba kama dhibo, waliba naago waxaa jira galmada intay socoto biyax ku jiro dhowr jeer ayay biyabaxaan, waxaa laga yaabaa 10 jeer inay biyabaxdo naagtaas nin kaste munaasib ayuu ku yahay, xataa midka sedexda daqiiqo wuu qancin karaa.

Laakin naagaha waxay u badan yihiin in biyahooda soo daahaan, kuwaas waxay rabaan istiin dheer ama nin aan dhaqsi ku biyabixin.

Waliba waxay rabaan in lagu gaaro geedka muddo badan markaas ayay gaaraan gariirka raaxada.


Istiinka kaalin miyuu ka cayaarayaa biyabaxa degdega

 Istiinka waa muhiim, ninka hadduu rabo naagta biyaheeda inuu soo dhoweeyo waxaa laga rabaa inuu si fiican u sitiimiyo.

Waxaana fiican istiinka inuu yahay mid raaxo badan siinaya naagta, istiinka ninka wuxuu ku caawiyaa in naagta siilkeeda qoyaan keeno oo uu diyaar u noqdo guska inuu ku raaxaysto cuncun inuu keeno.

Daawooyin ma jiraan biyaha raajiya ?

 Waa la helaa daawooyin oo biyaha ninka rajiya oo dib u dhiga, daawooyinkaas waxay u badan yihiin daawo lagu buufiyo guska oo kawaabyo ka dhigta.

Waxay ku xun yihiin ninka ayay raaxada ka qaadaan

Daawooyin ma jiraan biyaha raajiya ?

Waaa ka mid waxyaalaha dabiiciga ah oo biyaha lagu daahiyo saliida dhegayaraha ama qalinfurka, saliiidaas ninka hadduu marsado biyaha ayay ka daahisaa, laakin waxay leedahay wax yar kawaabyo oo ninka ka qaadda raaxada uu ka dareemo dhalfada guska.


Qaabka ugu fiican oo biyaha loo raajiyo

 Waxaa ugu fiican ninka inuu maskax ahaan u reebo biyaha, taas waxay ku xiran tahay maskaxda, wuxuu sameynayaa ninka marka biyaha ka soo dhawaadaan, guska ayuu meesha kasoo saarayaa markaas wuxuu bilaabayaa istiin ilaa uu ka kahfiifo, kadib wuu ku celinayaa, wuxuu sameynayaa taas mar kaste biyaha soo dhawaadaan.

Wuxuu kaloo uu sameynayaa dhaqdhaqaaqa ayuu joojinayaa, inta uu guska siilka galiyo ayuu is dejinayaa wax dhaqaaq ah ma samaynayo taas iyadana way daahisaa biyaha.

Waxaa kaloo uu sameyn karaa inuu maskaxdiisa ka saaro raaxada wax kale isku mashquuliyo taas iyadana way daahisaa.

Raga qaar waxay sameeyaan intay baraf keenaan ayay guska saartaan ilaa uu ka qaboobo markaas ayay ku celinayaan taasna dib ayay u dhigtaa biyaha.

Waxaa kaloo la sameyn karaa ninka inuu kala badbadalo qaababka haddii naagta ay foorarsanayd inuu seexiyo haddana inuu istaag ku waso hadana inuu jiif ku waso taas iyadana way daahisaa biyaha.

Qaababka galmada saameys miyay ku leeyihiin biyaha degdega 

Qaababka galmada aad bay u saameeyaan biyabaxa ninka waxaa ugu dagdagsiin badan biyaha ninka marka naagta ay foorarsan tahay, taasna waxaa keenaya qaabkeeda iyo quruxda dabadeeda labada bari oo qaawan ayuu u jeedaa wuxuu arkaa guskiisa asoo siilka galaya kana soo baxaya taas ninka macaan daran ayay siisaa marka qaabkaas aad buu usoo degdegaa ninka.

Waxaa kaloo kusooo xigo qaabka ah ninka marka uu dhabarka ku seexdo oo naagta ay korka ka fuusho iyadoo niikinaysa ayuu daawanayaa asoo guskiisa ku jiro taasna biyaha ayay soo dedejisaa.

Sidoo kale galmada iftiinka guud ahaan ninka dhaqsi ayuu ku biyabaxaa waayo wuxuu isku darsanayaa asoo arkaya naagta oo qaawan isla markaasna asagaa sameynaya wasmada.

Laakin marka ay mugdi tahay jirkeeda ma arkayo kaliya taabasho ayuu ku kaaftoomaa, marka galmada iftiinka way ka duwan tahay midda mugdiga. 

Halkan ka akhriso qaababka galmada ugu macaan

Siigada mala dhihi karaa biyabaxa degdega sabab ayay u tahay?

Waxay ka mid tahay siigada waxyaalaha dhaawici kara guud ahaan caafimaadka ninka iyo naagta, ninka gaar ahaan dhibaatooyin badan ayay u geysan kartaa.

Waxay sheegaan dhakhaatiirta siigada qofkii badsado oo shaqo ka dhigto inuu noqonayo qof dhaqsi ku biyabaxo taas way muuqataa rag badan ayaa la ogaaday inay siigada dhib u keentay oo cudurka biyabaxa degdega ku ridday.

Marka ninka dhalinyarada waxaa laga rabaa inuu iska ilaaliyo siigada.

 

 

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post