Was mada badan maxay ninka iyo naagta u keeni kartaa

 Guud ahaan wasmada xalaasha waa wax aad u fiican oo caafimaad laga helo, ninka wuxuu ka helaa cafimaad sidoo kale naagta waxay ka heshaa caafimaad.


Wasmada waxay u roon tahay dhiiga wadnaha sidoo kale jirka waxay ka bixisaa caajiska niyaddana qofka waxay ka galisaa raaxo iyo deganaan.

Sidoo kale naagta iyada wasmada jacayl iyo deganaan ayay ka helaysaa.

Hadabada wasmada dhibka keento waa midee?

Qofka waxaa laga rabaa inuu iska ilaaliyo wasmada xaaraanta dambiga ah taas waxay leedahay dhibaato xaga nafta.

Waxaa kaloo jira wasmada naagta jiran iyadan ninka dhib ayay u keenaysaa

Sidoo kale galmada qofka marka uu gaajaysan yahay ama uu jiran yahay jirka ayay tabarta ka qaadda hadduu uu naag waso asoo jiiran ama baahi daran hayso, waxaa kaloo la rabaa in galmo layska ilaaliyo ninka marka uu dhergan yahay, wasmada ugu fiican waa mida qofka asoo dhereg iyo gaajo u dhexeeyo, sidoo kale wasmada xiliga qulul ama meel qooraax ah iyadan ninka dhib ayay u keenaysaa, qofka waxaa fiican inuu wasmo sameeyo waqti qabow ah ama waqti dhexdhexaad ah.

Wasmada naagta foosha xun ama ninka foolumada ku dhamaatay iyadana niyad jab ayay keenaysaa.

Raaxada waxay jirtaa wasmada laysku fahmayo oo istiin la socdo.


Post a Comment (0)
Previous Post Next Post