Gabar guurdoon dhab ah oo jidka raga u istaagtay




Gabar u dhalatay dalka suudaan ayaa baraha bulshada aad ugu faaftay markay istaagtay waddada kaddib, iyadoo wadata boor uu ku qoran yahay dalab lala yaabay kaas oo ah aniga guur doon ayaan ahay waxaan oggolahay nin xaas leh inuu i guursado, gabadha oo boorka ku qortay taleefanka laha helo ninkii diyaar u ah inuuu guursado gabadhaas. 

Adduunka dumarka ku nool waxaa la sheegayaa inay aad u fara bateen dhalmada gabdhaha ayaa badan, marka guurka wuxuu noqonayaa mid qiima weyn ugu fadhiya hablaha. Naagaha guurdoonka aad bay ugu badan yihiin carabta waayop dhaqanka carabta wuxuu wataa shuruudo raga ku adkeynaya inay si dhaqsi ku guursadaan ninka waxaa laga dalbanayaa meher qaali ah dahab badan, reer galbeedkana guurka maba rabaan banaanka ayaa laysku fuulayaa uur markuu soo baxo inta la dilo ama meel kale lagu tuuro si dad kale ay u barbaariyaan.

Marka gabdhaha guurdoonka carabta dhib weyn ayaa haysta, sida la og yahay bulshada carbeed waxaa laga dhaadhiciyay ninka inuusan guursan karin naag labaad, hal kaliya waa inuu ku ekaadaan, filimada carabta markaad daawato waxaad arkaysaa inay xooga saarayaan dhaleeceynta guur dumarka badan.





 

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post