
maxaa
naga dhigay dad aan wax fahmaynin? soomaali maxaa looga waayay qof
caaqil ah oo fami kara dhibka uu leeyahay waxa ka jira dalka oo nacayb
iyo qabyaalad ah, maxay isu naceen hawiye iyo darood oo dhabtii walaalo
ah, sow ma aha soomaali dad muslimiin ah? maxaan ka falaynaa qabyaaladda
sidan inoo gashay. waxaa yaab ah dadka soomaalida wax bartay oo ka
dhigtay waxbarashada inay tahay wax la isugu faano keliya, waxbarashada
waxaa loogu talagalay inay natiijo keento taas oo ah inay dadka badasho
maxaa ka dhigay qofka soomaali qof sida xoolaha u fikira, dad waxaad
arkaysaa baasabooro gaalo wata oo la dagaalamaya soomaali inay dowlo
hesho oo nabad hesho wuxuu leeyahay dowladda soomaali waa gaal isagana
wuxuu wataa baasaboor dowlad gaal ah gar weyn buu leeyahay, waxaad
arkaysaa naag niqaaban oo leh al-shabaab baan taageersanahay waxay
xambaarsan tahay baasaboor kirishtaan ah soomaliyeey caliga waa muhim
diinta waxaa lagu fahmaa caqli nadiif ah qofka majnuunka ah waa laga
cafiyay waajibaadka waayo caqli ma laha, sheekada haka dhigina hawiye
iyo daarood ee u fiiriya muslinimada iyo walaaltinimada soomaaliyeed.
sheekada
soomali ilaa iyo hadda waa lala yaaban yahay waa arrin yaab badan oo
laga naxo sawirkanayaa kugu filan haddii aad tahay nin caqli leh
sawirkaan inuu dhiigaaga kiciyo, haddii aad dameer tahayna waxaa kugu
haboon inaad is aasto adoo nool