Boqoradda Soomaaliyeed Ubax Cabdiraxmaan baro

Boqoradda Soomaaliyeed Ubax Cabdiraxmaan baro
Maanta waxaa laga yaabaa inaysan garanaynin gabadhan dad badan, runtii waa gabar istaahilayso in la

siiyo billado badan waa gabar ka fiican malaayin dad waa Ubax Cabdiraxmaan oo ku nool dalka Sacuudiga

waxay tahay shaqadeeda inay dadka dhibaataysan wax u qabato gaar ahaan dadka soomaaliyeed, waxau

dhafartaa dadka jirran inay maanta lacag u soo ururiso waqtigeeda qaaliga ah waxay ku bixisaan

waxtarka ummadda, waannu ognahay qofka muslinka ajarka uu ka helayo markuu qof dhibaataysan gacan

qabto, waxaa aad u sii yaab badan dad badan facebook waqtigooda ayay ku lumiyaan laakin Ubax waxay ka

dhigtay facebook meel kahayr lagu faafiyo, aduunka camalka ugu fiican waa nin miskiin in wax loo qabto

dhibka laga qaado, ubax waxa ay soomaalida u hayso Ilaahay ajar iyo xasanaad ha ku siiyo, waxaa aad u

yaab badan in dadka qaarkii aysan ogayn qiimaha gabadhan oo ka fiican kumaan rag oo maanta qaxwooyinka

fadhiya, waxaan idin leeyahay Ubax Cabdiraxmaan hala taageero hala garab istaago iyada oo kale waa in

inaan helnaa si ummadda soomaaliyeed meel sare u gaarto, waxaan ku leenahay ubaxeey dadka soomaalida

dhan way ku jecel yihiin jidka aad hayso waa jidka islaamka ugu jecel yahay horay u soco ha maqlin dad

jaahiliinta ah oo aflagaadada badan waxaad gaari doontaa meel dadka oo dhan inay gaaraan ay tamanin

doonaan, waxaan ka codsanayaa qof kasta soomaali ah waa inuu faafiyaa hadalkan oo kahayrka loo qasdayo

ajar baad ka helaysaa sidaa la soco.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post