Ninka somaaliga caadi ahaan wuu ka xishoonayaa inuu shaqooyinka qaar ka shaqeeyo, dadka birta tumi jiray ama dadka kawaanka ka shaqayn jiray waxaa lagu dhaleecayn jiray shaqadaas, laakin marka yurb la tagay, soomaalida waxay galeen shaqo shaqooyinkaas oo dhan la liidato, qaar dhulka ayay nadiifiyaan, qaar musqulaha ayay dhaqaan, qaar dadka waayeelada ayay xafaayadda ka baddalaan, ninka sidaas ah wuxuu imaanayaa xamar wuxuu soo labisanayaa dhar aad u fiican markaas ayuu naagaha ku shakaansanayaa aniga baasaboor yurub baan haystaa
