Habalaha qaarkooda waxaa ka soo yaaca wejigooda fiman badan, kaas oo wejiga dhan midabka ka badala, fimankaas waxaa lagu magacaabaa fin doob, wuxuu ka soo baxaa gabadha marka ay qaangaarto oo ay naaso keento, gabar kastana kama soo baxo kuwa qaar ayuu ka soo baxaa, marka hore waa inay iska ilaalisaa waxyaalaha kordhin kara sida looska oo kale, wejigeenada waa inay saabuun ku nadiifisaa, waxaa kaloo u roon liin dhanaan haddii malab lagu daro habeenkii marka ay seexanayso ay marsanaysaa, taas waa u roon tahay, sidoo kale wuxuu ka soo baxaa naagaha qooqa badan, oo hilibka leh, kuwa caatada ah badankooda ma laha, keliya kuwa buuran ayuu ku badan yahay