Shiirka urka badan ee kilkilaha sidee loo reebaa



Shiirka urkiisa waxaa lagu yarayn karaa nadaafadda badan, marka hore timaha kilkisha in si fiican loo xiiraa  waayo tinta badan marka qofka uu dhidido shiir badan ayay yeelanaysaa, midda kale waa in layska yareeyaa cuntada shiirka keenta sida toonta basasha iwm. waxaa kaloo jira dhididka badan isagana waxaa lagu yarayn karaa in qofka gudaha ka qaato dhar suuf ah oo jilicsan oo uuna ka qaadanin dhar layluun ah, maxaayeelay wuxuu sii kordhiyaa shiirka iyo dhididka, laakin waxaa jira shiirka kacsiga keeno kaas waa ka duwan yahay kan wasakha iyo daalka, kaas ninka iyo naagtaba waa ka soo baxaa midkaas raaxada kulanka ayuu kordhiyaa, sidoo kale meesha waxaa lagu qurxinkaraa liinta dhanaanta
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post