Maahmaahyada jacaylka iyo murtida caashaqa waxay soo jiitaan raga iyo dumarka, jacaylka maxaa qalbiga ku abuura, waa hadalka macaanka badan iyo tixgalinta, qof markuu arko gabar adab leh oo dadka aad u tixgalisa aad buu ugu tacaluqayaa qalbigiisa aadna wuu u jeclaanaa, sidoo kale quruxda kaalin bay ka gashaa jacaylka, laakin quruxda dabeeda ayaa ka fiican quruxda jirka.