Geedi shaambow waxaa la dhahaa wuxuu ahaa nin boqor ah oo awood badan, wuxuu ku noolaa koofurta meelaha ay degaan digil iyo mirifle, aad ayuu dulbi badnaa, wuxuu samayn jiray waxyaalo aan loo dulqaadan karin, dulmigiisa waxaa ka mid ahaa, haddii nin naag guursanayo isagaa u bilaabi jiray galmadeeda wuu bigrajabinayaa wuxuu haysan jiray toddobo maalmood markaas ayuu ninkeeda u soo diraa, sidoo kale wuxuu ka qaadan jiray dadka beeraha waxay ka helaan, rubuc keliya ayuu u reebi jiray, geedi shambow sidee uu ku dhacay xukunkiisa? waxaa la dhahay wiil raxweyn ah ayaa wuxuu doontay gabar inuu guursado gabadhii ayaa waxay ku tiri guur maxaan ka falaa haddii gaadi shambow iga dambeeyo, wiilkii ayaa wuxuu abaabulay dhalinyaro badan markaas ayay weerar ku qaadeen aw geedi shambow xukunkiisa ayay ka tuureen meesha ayay ugu dhamaatay gedishambow, waxaa la sheegaa marka la riday waxaa da'ay roob aad u weyn, waxaa u timid dadka meesha deganaa barwaaqo oo aan la soo koobi karin.
dadka soomaalida aad bay u sheegaan ninkaas daalimka ahaa, fanaanka soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Sulfa ayaa ku heesay ninkaas oo daalimka ahaa, heestaas waa caan waxaa loo yaqaanaa heesta awgeedi shaambow ayaa laguu guuriyaa