Jacayl dad badan ayaa sheegto rag iyo dumar horta jacayl waa maxay? jacaylka wuxuu u kala baxaa dhowr nooc, laakin nooca ugu dhibka badan waa midka ninka iyo naagta dhexmaro, waayo kaas waxaa ka imaan kara waxyaalo dhib keeni kara haddii ay wadada jacaylka ay wax badan u furto ninka iyo naagta, jacaylka ugu fiican waa midka guurka ku salaysan, maxaayeelay midka aan guurka ku salaysnayn gabadha iyo wiilka wuxuu ku ridaa halaag iyo xumaan, haddii aad rabto inaad nabad heshid ka fogow jacaylka beenta
maxaa lagu garan karaa jacaylka beenta ah?
qofka caqliga Ilaahay siiyay wuu kala saari karaa jacaylka beenta ahiyo kan dhabta ah, inta badan waxaa soo muuqanayso astaamo oo ay ka mid yihiin kuwan:
- been oo badan
- jacaylka da'da yar, waxaa loo yaqaanaa jacayl qaangaar
- inuu qofka guur rabin gaabsi keliya uu rabo
- hadalkaaga inuusan qiimaynin
- wixii aad ka reebto inuusan ka joogsanin