Nin la oran jiray abuu muslin alkhawlaani ayaa wuxuu qabay gabar da' yar, mar iasgoo gurigiisa ka maqan ayaa naag weyn oo deriskiisa ahayd ayaa gabadhii uu qabay abuu muslin dirdirtay abuu muslin marka uu gurigiisa ku soo laabatay wuxuu arkay xaaskiisa oo u xanaaqsan oo wejigeeda aad u baddalan, markaas ayuu gacmihiisa kor taagay wuxuu yiri ilaahayow qofka xaaskayga igu diray indhoole ka dhig, wax yar kaddib waxaa la soo garaacay albaabka gurigiisa markuu furay waaba naagta deriskiisa oo ay wadaan ilmaheeda oo indhaha beeshay iyadoo leh habaarka abuu muslin ayaa igu dhacay naagtiisa anaa been u sheegay oo ku diray abu muslinow i cafi ilaahay ii baryi inuu indhahayga ii soo celiyo, abuu muslin wuu iska cafiyay.
marka gabdhaha da'da yar haka digtoonaadaan beenta naagaha waaweyn oo guryaha dumisa.