Gabar xoog lagu uureeyay dalka imaaraadka

Gabar ku nooleed dalka isutaga imaaraadka carabta oo u dhalatay dalka Filibiin ayaa nin shufeer ka ah guriga ay ka shaqaynaysay xoogay, gabadhii uur ayay qaaday marka ay uurka qaaday waxay ka cabsatay in la qabto oo xabsi la galiyo, waayo lgama yeelayo nin baa i xoogay, marka ay jid toosan ay waysay ayay raadisay nin wariye ah oo u dhashay dalkeeda taleefankiisa, waxay isku soo xirtay musqusha taleefan ayay u dirtay ninka wariyaha wuxuu la yeeshtay dood si live ah, waxay sheegtay inay dhib weyn ku jirto oo ay ka baqayso in la xiro maadaama ay uur leedahay, iyo inaan laga yeelaynin waa la i xoogay, ninkii ayaa dowladda u bandhigay xaalkeeda, markaas safaarada dalkeeda ayaa arinta soo dhexgashay sidaas ayaa loogu diray dalkeeda
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post