Naagta markay aabbaheeda khayaanto maxaa kula gudboon adiga

Soomaaliya waagii hore shukaansiga wuxuu ku salaysnaa jacayl iyo sheekooyin raaxo leh, laakin hadda wuxuu isu baddalay qaab xoog ah, waxaa laga yaabaa wiilka marka uu barto gabar oo uu labo jeer la sheekaysto wuxuu isku dayayaa inuu maalinta seddxaad meel la tago oo marka uu shaqada galmada la sameeyo, waxaa la dhahay guur iyo gaabsi kee baad rabtaa? saqaafada noocan ah waxay ku salaysan tahay akhlaaq xumi iyo diin la'aan. ninka marka uu rabo inuu guursadp gabar looma diidayo inuu guur ka dalbado, ee ma aha inuu jecel been ah ku afuufo si uu u gaado gabadha marka uu jirkaada ku cayaaro dhulka ku tuuro, naagahana waa masaakiin ninka marka uu u ooyaa way iska aaminaan oo uu yiraahdo baayo waan ku jeclahay la'aantaada ma noolaan karo beentan oo cad xitaa way iska qaataan haddii erey jecel xambaarsan uu ku jiro, laakin waxaad ogaataa gabaryahay ninka daacadda ah kuguma cayaarayo balse waxaa laga yaabaa inuu kuu soo jeediyo fikrad maslaxaddaada ku jirto, naagaha qaarkooda waxay ka dalbaan ninka inuu la cararo haddii aabaheeda guurka hor istaago, ninyahow waxaad ogaataa naagta ku dhado ila carar oo aabaheeda intaas sano soo koriyay khayaantay adigana inay ku khayaanayso
naagaha caatada ah iyo ninka buuran

naagaha jumalada badan

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post