Boqorada quruxda Soomaali 2015

Marka hore waxaad ogaataa qurux waxaa la dhahaa akhlaaqda iyo asturaada, naagaha soomaaliyeed badankooda waa boqoro xagga quruxda, meel kasta aad aduunka ka joogto waxaad arkaysaa dadka si fiican u xijaaban inay soomaali yihiin, taas oo tilmaamaysaa wanaaga ay leeyihiin dumarka soomaaliyeed, dadka caaya ama aflagaadeeya haweenka soomaaliyeed runtii xaqiiqada lama socdaan iyo qiimaha ay leeyihiin gabdhaheena sharafta badan, ragow intaad raadi lahaydeen naago ajaanib ah isku daya inaad ku dhegtaan hablihiina somaliyed, oo quruxda iyo qiimaha Ilaahay siiyay, dad baa waxay ku leeyihiin naagaheena aad bay u kibir badan yihiin, ragga ma qiimeeyaan, waxaan ku leenahay ninkii naftiisa qiimeeya marka hore qof kasta wuxuu ku qasban yahay inuu qiimeeyo, adiga marka hore kula dhaqan xaaska si ixtiraam leh, waxaad rabtaa adoo qaadkaaga cunaya oo marqaan ku jira inaad maamusho guri ama caruur, taas ma suurtagalyso saaxib, gadaal isaga laabo. ma ogtahay naagaha carabta inay ka masayrayaan haweenka soomaalida? waayo naagaha carabta iyagoo afkii carabiga ku hadlaya oo diinta islaamka afkoodi ah hadana waxaad arkaysaa inay wada qaawan yihiin badankooda, siiba kuwa ku nool dalalka reer galbeedka, dad baa waxay ka arakyaan gabdho soomaaliyeed qaawan ama niikinayo oo si xun jirkooda u bandhigayo markaas ayay ku leeyihiin naagihii soomaaliyeed wax halaabeen, waxaad ogaataa ummad kasta naago xun xun waa laga helaa, laakin waxaad eegtaa yaa badan dadka halaysan iyo dadka toosan. guud ahaan gabdhaheena ma aha gabdho lagu tiriyo xagga dabeecadda kuwa kulkulul oo jecel inay ninka xukumaan, haddii lays weyddiiyo maxaa badiyay furiinka soomaalida yurub ku nool yaase sabab u ah raggaa mise haweenka? waxaa la dhahi karaa inta badan ragga ayaa sabab u ah oo mas'uuliyadda ka tagay, teeda kale naagta waxay rabtaa nin dareensiinaya jacaylka, ragga soomaaliyeed badankooda ma yaqaanaan sida xaaska jacaylka loola jilo. ma arkaysid nin xaaskiisa jikada ugu galaya oo shuminaya ama dhahaya waan ku jeclahay abaayo macaan, ereyadaan aadka u kooban wax weyn ayay ka sameeyaan qaliba xaaska.


sheekada shankaroonqaayaha gabadha jamaadl iyo jeestoquruxda indhaha

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post