Xaasidnimada maxaad ku reebi kartaa



Dhib badan ayaa lagala kulmaa runtii xaasidnimada, qofka xaasidka ah wuxuu rabaa qofka uu xasdayo inuu hanti beelo oo uu noqday qof dhib iyo rafaad ku jiro, xaasidka ma hurdo, mar kasta uu maqlo qofka uu xumaanta la rabo oo wax helay wuu ka naxaa, sidoo kale xaasidka camalkiisa waa burburaa sidii xadiiska uu sheegay, natiijada xasadka waa midda soomaali ku habsatay, waxa sidan u galay dalka oo burburiyay waa xaasidnimada ka socoto, heer waxaan maraynaa inaan nacno qofka qabiilkiisa dartii, tol kasta wuxuu uu wax u qabtaa keliya dadkiisa, soomaali dhibka haysto wuxuu u noqonayaa xasadka.

hadabada sidee la isaga ilaalin karaa xasadka?

qofka marka uu qaato amarka Alle oo kitaabka quraanka iyo sunnada nabiga -naxariss iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- wuu ka fogaanayaa cudurka xaasidnimada, daawo kale ma laha oo aan diinta ahayn.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post