Jidka markaad joogto waxaad jihada ka arkaysaa wax jin u eg oo jahada kaa wareeriya jac iska dheh janno ha moodin, jeel buu kuu taxaabayaa, jooko kaama yeelee janan kasta haddaad jirisid juuq ma dhihi karo, jaakad kasta haddaad qaadadtid jurmi kuma siinayso, jaqaf kasta haddii aad ku gambatid jid kuuma noqonayso, jajabka waa jahli jidka inoo fadhiya.