Ninka reer baadiyaha dumarka siduu kula dhaqmaa



Bulsho kasta ku nool caalamka waxay leedahay dhaqan u gaar ah xaga guurka iyo arooska, bulshada soomaaliyeed, waxay leedahay dhaqamo la xiriira xaga la dhaqanka naagaha, waxaad arkaysaa ninka inuu naagtiisa la shaqeeyo ceeb tahay, lagama yaabo inuu jikada la galo oo cuntada ama shaqada guriga wax kala qabto, sidoo kale way adag tahay inuu ilmaha ka qabto si ay u nasato waxyar, sidoo kale way adagtahay inuu la fariisto oo uu wax la cuno, waxaas oo dhan ceeb ayuu u arkaa, waxaa kaloo jira aad bay ugu adag tahay inuu jidka la maro, waxaan aan soo sheegnay dadkeena way ku kala xeeldheer yihiin, dadka reer baadiyaha oo dega gobolada fog ayaa u badan dhaqanka oo foosha xun siiba dadka duurgalka ah, sidoo kale xaga galmada xitaa way ku qallafsan yihiin, naag ma dhunkadaan ma istiimiyaan, sidoo kale iftiin ugu ma tagaan, haddii uu qooqo oo ay biyaha ku bataan ayuu aadayaa biyaha ayuu ku shubayaa ha raaxaysato ama yayna raaxaysanin isaga isku mid bay u tahay, waxaa kaloo muhim ah inuu mar kasta hadalo qallafsan ku dhaho ma dareensiinayo wax jacayl la yiraahdo.

Previous Post Next Post