Horta iga maqal habeen iyo maalin ma siman yihiin? agow marka ma sinna gabar iyo garoob, waxaan ula jeedaa dabeecadahooda iyo la dhaqankooda, shukaansiga haweenka garoobada aad buu u adag yahay marka loo fiiriyo gabdhaha, naagta garoobta qibrad ayay u leedahay ninka, si fiican ayay u akhrin kartaa buugga wejigiisa saaran, sidoo kale hadalada garoobta xiliga shukaansiga waxay abaarayaan maslaxadda guurka, garoobta marka ninka ku dhaho waa ku jeclahay way qoslaysaa iyadoo la yaaban run may ka tahay ninkaan ama been, laakin gabarta marka ninka ku dhaho i love waan ku jeclahay, maskaxda ayay ka wareegsanaysaa, waxay u qaadanaysaa inay heshay danteeda ugu weynayd aduunka.