Bilcaanta maanta iyo ragooda aad bay u kala fog yihiin siiba dadka soo galay dalalka qurbaha, marka aan ka hadalno haweenka sida ay u dhaqmaan iyo raga waxay rabaan kaaf iyo kala dheeri, haddaba maxay kaa rabtaa gabdha aad qabto? dumarka hadda jooga waxay u baahan yihiin waxa la dhaho romantik, kaasoo ah inay noqdaan dad raba inay la socdaan dunida kale, ninka markuu guriga ka baxayo inuu xaaska dhunkado oo yiraahdo, waan ku jeclahay abaayo macaan, hadaladaan aan u aragno haddaan nahay raga soomaaliyeed, naagaha meel weyn ayay ka taabtaan, naagta waxa ay ku raaxaysato waa hadalka macaan.