Wajibook ama foolbook ama fadhibook ama feerabook wixii aad u taqaano, ma ogtahay naago badan in loo furay facbook dartii? waxaa la sheegay furiinka inuu aad u soo batay marka facbook soo baxay, taas oo keentay in dumar badan ragooda ay isku dhacaan taas waxay yeelatay labo qaab midka koowaad oo ah gabadha oo ka heshay qof ay is garan jireen waagii hore ama ay ka soo wada baxeen hal dugsi oo aay bilowday inay facbook kula sheekaysato, taasoo keentay inay isku dhacaan ninkeeda iyo iyada, midda labaad way ka fogtahay wadadan, taas waxaa weeye gabadha oo waqtigeeda oo dhan ku dhamaynayso chatka facbook markaas ninkii wuxuu imaanayaa guriga isagoon loo diyaarinin cunto iyo waxyaalaha uu rabay, waxaa la sheegay naagaha qaarkooda ninkooda oo u baahan iyaga sheeko ayay kula jiraan dadka foolbook ku jiro