Waxaa jiri jiray nin lagu magacaabo imrilqays oo ahaa gabyaa carab ah waagii hore, wuxuu jeclaa gabar adreerkiisa dhalay, waxay deganaayeen baadiye, maalin maalmaha ka mid ah gabdhaha deegaanka waxay aadeen war biyo markii ay soo guteen rar furidda shaqada, waayo dadka deegaankaas degan waxay isu diyaarinayeen geeddi, imrilqays inta uu yimid gabdhaha biyaha ku jiro ayuu dharkooda ku fariistay gabdhihii waxay ku jireen biyaha iyagoo qaaqaawan, wuxuu yiri qoftii rabta inay dharkeeda iga qaadato ha iisoo baxdo iyadoo qaawan, gabdhihii way wada baqayaan madaxooda keliya ayaa banaanka u muuqda jirkooda oo dhan biyaha ayuu ku hoos jiraa, gabadha ugu dhiiranayn ayaa soo baxday iyadoo qaawan kaddib waxay bilaabeen inay soo wada baxaan, midda adeerkiisa dhalay way diiday inay soo baxdo waxaa la dhihi jiray cunayza, marka ugu dambaysa way soo baxday iyadoo ku qarisay timaheeda horteeda iyo dabadeeda.